doorashada - Wardeeq news

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabanaya doorashada kursiga Hop#154.

Kursigaan oo horay loo qabtay doorashadiisa ayaa waxaa ku guuleysatay Sareedo Maxamed Cabdalla balse Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay diideen, iyaga oo dalbaday in doorashada lagu celiyo.

kursiga Hop#154 ayaa waxaa Maanta ku tartamaya oo shalay Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed SEIT ay Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyeen Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Nasteexo Maxamed Yuusuf.

Guud ahaan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhameystiray doorashada Xildhibaannada labada Aqal, waxaana ugu dambeeya kursiga Maanta ee doorashadiisa lagu celinayo.

Verified by MonsterInsights