Jubbaland - Wardeeq news

Warsaxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu yiri “Madera Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dilaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasadda gudaha ee dalkeenna isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasadda ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, Jubbland ayaa Madera ku eedeysay in uu ka gaabiyay la dagaalanka Al-shabaab.

“Sidoo kale waxa uu in muddo ah ka caga jiidayay howlgallada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM, sagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha Argagixisada ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isagu 6-dii bishaan 48 saac u qabtay in uu dalka kaga baxo Amb Fransisco Madera oo uu ku eedeeyay in ka baxay Shaqadii ay soo magacaabeen Midowga Afrika.

Verified by MonsterInsights