Dowladaha Khaliijka oo dhaleeceeyay weerarrada Iiraan ay ku qaaday dhulkooda iyagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida.

Dowladaha Khaliijka oo dhaleeceeyay weerarrada Iiraan ay ku qaaday dhulkooda iyagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida.

Sacuudi Carabiya, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Qadar iyo Urdun ayaa Arbacadii ku sheegay bayaan wadajir ah in weerarrada Iiraan ee dhulkooda ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanidooda.

 

Waxay sidoo kale ugu baaqeen Ciraaq inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay si degdeg ah u joojiso weerarrada ka dhanka ah waddamada deriska ah ee ka imanaya dhulka Ciraaq.

 

Bayaanka ayaa lagu sheegay in baaqu uu yimid si loo ilaaliyo “xiriirka walaaltinimo” loona fogaado sii socoshada.

 

Tan iyo markii uu billowday dagaalkii Israa’iil iyo Mareykanka ee Iiraan, maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerto Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada lagu qaaday dhowr saldhig oo Mareykan ah oo ku yaal gobolka.

 

Waxay sidoo kale ku celiyeen xuquuqdooda is-difaaca.

 

“Waxaan xaqiijinaynaa xuquuqdayada is-difaaca weerarradan dambiyada ah… iyo xuquuqda aan u leenahay inaan qaadno dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalino madaxbannaanideenna, amniga iyo xasilloonida.”

 

Bayaanka ayaa sidoo kale ka digay in unugyada hurda ee daacadda u ah Iiraan ay qorsheynayaan inay khalkhal galiyaan gobolka waxayna ku ammaaneen mas’uuliyiinta amniga inay fashiliyeen qorshayaashooda.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *