273542844 388882213091744 5510621421351446227 n 696x564 1 - Wardeeq news

DFS oo  ayaa ka hadashay gabar Soomali aheyd oo lagu dilay dalka Malaysia.

Dilkaan waxaa geystay sida la sheegay nin u dhashay dalka Ciraaq oo Gabadha isku meel ay kawada shaqeyn jireen,waxaana gabadha lagu magacaabi jirey AUN Dahabo Cumar.

Amal Maxamed Siciid oo ah qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi ayaa sheegtay in warar kale oo ay helleen ay sheegayaan in ninka gabadha dilka u gaystay uu ka dalbaday xiriir guur hase-yeeshee ay arrintaa ka diiday taa oo loo malaynayo inuu sababay falka dilka ah.

“Xogaha kale ee aan helayno waxay sheegayeen yarkii gabadha dilay inuu xiriir ka dalbaday isla markaana uu guursanayo balse ay ka diiday markaana uu dilay oo mindi ku dhuftay”. Ayay tiri Amal Maxamed Siciid.

Sidoo kale qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ee dalka Malaysiya ayaa sheegtay in dadkii saaxiibbada la ahaa gabadhha geeriyootay iyo xubno ka mid ah ehelkeeda oo ay la xiriireen ay u sheegeen in gabadhu ay horey dhowr jeer u sheegtay in ninka hadda u xiran dhacdadaan uu ugu hanjabay inuu dili doono maadama ay dalabkiisii diiday.

Maydka Dahabo Cumar ayaa hadda yaalla Cusbitaal ay dowladdu leedahay waxaana madaxda safaaraddu ay xaqiijiyeen in aan la aasi doonin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo baaritaannada ay wadaan boolisku. “Xog ku filan marka ay naga siiyaan ayaa haaska marxuumadda laga howlgalayaa”. Ayay tiri qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya.

Verified by MonsterInsights