52a1c197 city 31584 165624937c9 - Wardeeq news

Mareykanka ayadoo mar kale ku boorisay muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsiyaha badan ka baxaan dalkaas.

Safaarada Mareykanka ayaa sheegtay in uusan jiri doonin daad-gureyn lamid ah tii kal hore ka sameeyen dalka Afghanistan, taasi oo dhacday maalmo un ka hor qabsashada kooxda Taalibaan.

Baaqan oo socday maalmo ayaa waxa uu Mareykanku ku faray muwaadiniintiisa in duulimaadyada rayidka ah uga baxaan Ethiopia, xili laga cabsi qabo in mucaardika usoo ruqaansado caasimada Addis-Ababa.

Mareykanka ayaa cabsi ka qaba in markale lagu qasbo in sidii Afghanistan uu uga daabulo kumanaan muwaadiniin ah, ayada oo Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibeedda uu ku sheegay in xaalad gaar ah ay ahey midda Afghanistan.

“Waxa aan sidaas u sameyneyno ma ahan inaynan rajo ka qabin nabad balse waa inaan nahay kuwa garowsho leh,” ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda.

“Wixii aan Afghanistan ka sameynay waxay ahaayeen gaar, hase yeeshee ma ahan wax ay dowladda Mareykanka mar kale ka sameyn karto meel kale oo dunida ah. Ma jirto sabab ay dadka Mareykanka u sugaan illaa daqiiqadda ugu dambeysa si ay duulimaad rayid uga baxaan dalka ku yaalla Geeska Afrika.”

Verified by MonsterInsights