cut2 1200x630 1 823x450 1 - Wardeeq news

Mareykanka ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee oo ka hadashay xaaladda kasii dareysa ee labada dal ayaa tilmaamtay in xiisadooda ay saameysay gobolka, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo xal keeni karta.

Molly Phee waxa ay sheegtay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay heshiiska badda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka oo sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madax-banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya,.

Sidoo kale haweeneydan ayaa sheegtay in Itoobiya aysan xaq u laheyn inay ku xad-gudubta madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ugu baaqday inay badda ay dooneyso ku raadiso qaab ganacsi, ayada oo heshiis la galeyso dalalka dariska ah.

“Itoobiya xaq uma lahan inay ku xad-gudubto madax-banaanida Soomaaliya, waa inay badaha dalalka deris qaab ganacsi oo heshiis lagu yahay u isticmaasho, taasoo u ogolaanayo sharciga caalamiga ee wadamada aan badda lahayn, balse ma ahan inay boobto bad aysan lahayn, anaga waan kasoo horjeednaa midaas,” ayay tiri Molly Phee.

Dhinaca kale waxa ay Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika  ka digtay cawaaqibka ka imaan kara tallaabooyin ay dhawaan qaadey dowladda Itoobiya ee faragelinta arrimaha Soomaaliya, taas oo ciidamo soo gelisay qaybo kamid ah dalka

Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay dalalka gobolka Geeska Africa, gaar ahaan  Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, ayada oo ugu baaqday in ay kawada-hadlaan, isla-markaana xal nabadeed u raadiyaan xaaladda kasoo korortay heshiiska badda.

Hadalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli Itoobiya ay ku adkeysaneyo fulinta heshiiska ay la gashay Somaliland, waxaana dhinaca kale weli halkiisii ah mowqifka dowladda Soomaaliya oo meel adag iska taagtay dhaqan-gelinta heshiiskaas.

Verified by MonsterInsights