WhatsApp Image 2023 04 04 at 10.53.46 AM 1 - Wardeeq news

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaglladii ugu dembeeyey ee ciidamada qaranka ay ka fuliyeen gobollada dalka, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Khawaarijta.AFhayeenka wasaaradda gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan - Wardeeq news

Afhayeenka ayaa faahfaahintiisa ku bilaabay howlgal ciidanka Danab ay ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale duqeymo ayaa maalmihii lasoo dhaafay kooxda loogu geystay howdka Ruun-nirgood.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgal kale oo ka dhacay deegaan u dhow magaalada Golweyn ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay horjooge Cabdulqaadir Eenow, kaas oo aad u dhibay dadka deegaanadaas ku nool, ninkaas ayaa la dilay xilli uu xoog xoolo baad ah uga aruurinaayey shacabka.

“Duqeyn ka dhacday deegaanka Cali Xeyle ee degmada Ruunirgood hoos taga ayaa lagu gubay gaari Booyad ah, iyadoo halkaas lagu dilay maleeshiyaadkii watay gaarigaas, duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Baraag Sheekh-caamir oo u dhow degmada Galcad ayaa lagu gubay gaari Cabdibile ah iyo dhagarqabayaashii watay,” ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaciyey magacyada xubno badan oo maalmihii lasoo dhaafay ka soo goostay kooxda AL-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.

Kala soco warar sugan iyo barnmujyo Kala dowan wardeeqnews,wardeeq24tv,

Verified by MonsterInsights