4ed51114 965e 424c 84ae f4ed9b35f0d0.jpg - Wardeeq news

Dowladda: Federaalka Soomaaliya ayaa kaalmo lacageed u qeybisay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido bishii August 2024. Guddiga gurmadka ee loo xil saaray arrintan, oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Caafimaadka iyo masuuliyiin kale, ayaa dadkii dhaawacmay siiyay lacag gaareysa $1,000 qofkiiba. Lacagtan ayaa lagu taageerayaa daryeelka caafimaadka iyo dib-u-dhiska nolosha dadkaasi.

 

Sidoo kale, xukuumadda ayaa nus milyan doolar ($500,000) ugu deeqday dadkaas si loogu kabto kharashaadka caafimaadka ee ay u baahan yihiin kuwa ku waxyeeloobay weerarka. Waxaa sidoo kale la qorsheeyay in la kaalmeyn doono qoysaska ay ka baxeen dadkii ku naf waayay weerarka marka xogtooda la soo dhammeystiro

Verified by MonsterInsights