og - Wardeeq news

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay qaadaneyso layli saraakiil cusub oo rag iyo dumarba leh.

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyay in arji qabashada ay bilaaban doonto 6-da bisha soo aadan ee Luulyo illaa 25-ka Luulyo.

Shuruudaha uu soo saaray taliska ayaa waxaa kow ka ah in uusan qofka horey uga soo mid noqon kooxaha argagixisada, islamarkaana ay da’diisu u dhaxeyso 18 sano ilaa 22 sano.

Saraakiisha cusub ee dowladda qoraneyso ayaa waxaa lagu tababari doona kuliyadda Turksom ee magaalada Muqdisho, ayada dowladda Turkiga ay dabooleyso dhamaan baahiyaha dhalinyarada loo laylinayo sarkaalnimada.

Hoos ka aqriso shuruudaha iyo qoraalka kasoo baxay taliska.

Taliska ciidanka X.D.Soomaaliyeed waxa uu qaadanaya layli saraakiil cusub oo rag iyo dumarba leh.

Taariikhda arji qabashada:

Ragga 06-da Luulyo ilaa 18ka Luulyo

Dumarka : 20ka Luulyo ilaa 25Ka Luulyo

Shuruudaha:

  • Waa inoo ahaada muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya.
  • Waa inoo wataa Shahaado dugsi sare oo asal ah(orginal) ama wax ka sareyo.
  • Waa inay Da’da u dhaxeysaa 18 sano ilaa 22 sano jir (2002-2006).
  • Hadii uu ardayga sanadkaan dugsi sare ka qalin jabiyay aanu wali uso bixin shahaadada waxaa laga doonaya Warqad cadeynaysa inuu shahaado suge yahay oo timbaraysan.
  • Kaarka imtixaanka dowladda uu ku galay.
  • Dhalasho Iyo sugnaan oo gobolka ah ama Passport.
  • In uusan horay uga soo mid noqonin kooxaha argagixisada ah.
  • In uusan balwad lahayn.
  • Heerarka dhirika iyo culeyska waxaa lagu muujiyay Tusmada 1’aad.
  • Heerarka awoodda jirka waxaa lagu muujiyay Tusmada 2aad.
  • Maadooyinka Imtixaanka qabuulka iyo tirada su’aalaha waxaa lagu muujiyay Tusmada 3-aad.

FG: Ardayga hadii uu ku imaanayo shahaado Jaamacadeed waxa uu horay usoo qaadanayaa Shahaadada dugsi sare oo asal ah (orginal). Dhamaan ducoment-yada lagaa doonayo waa inay asal ahaadan (orginal) hadii aad fotokopi la timaado laguma qaabili doono.

“Waxaad horay usoo qaadataa dhar isbortis iyo kabo isbortis ah.”

448601614 954093140090626 4886868716377988611 n - Wardeeq news
448598205 954093173423956 9004096330361161598 n - Wardeeq news

448552513 954093236757283 4321025706409664579 n - Wardeeq news

448552119 954093223423951 8768738305530990719 n - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights