March 15, 2025

Dowladda Soomaaliya oo xirtay warbaahino internet ka ah oo Khawaarijtu lahayd

64 / 100

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha oo ay Khawaarijta lahaayeen, iyadoo horay ay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg ama website oo Khawaarijta ku lahaayeen barta Internet-ka.

 

Sidoo kale dowladda ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahaan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, iyadoo xogtaasi ay sahli doonto in talaabo laga qaado dembiilayaasha Khawaarijta ugu adeegayay hawlahan.

 

Inta uu socdo hawlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan ayaa waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo barood oo ay ka samaysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.

 

Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha Internetka ah ee Khawaarijta ayaa sidoo kale mar dhow rajaynaya inay gacanta u soo galaan Website-yada kale ee Khawaarijt ku gudbiyaan falal dembiyeedka iyo marin habaabinta.

 

Linkiyada website-yada lala wareegay:

 

dhaxalgal.net

 

warkiislamka.com

 

dhaxalgal.com

 

somalimemo24.com

 

somalimemo24.net

 

radioalfurqaan.co

 

dhaxalgalka.info

 

faafreeb.com

 

faafreeb.net

 

faafreeb24.com

 

faafreeb24.net

 

amirnur.com