Dunida Oo Ka Hadashay: 16 Dal Oo Ka Digay Safiirka Cusub Ee Israa’iil Ee Somaliland

Dunida Oo Ka Hadashay: 16 Dal Oo Ka Digay Safiirka Cusub Ee Israa’iil Ee Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal ay ka mid yihiin Qatar, Kuwait, Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Sudan, Liibiya, Bangladesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indonesia, Pakistan, Mauritania, Urdun iyo Cumaan ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka ay Israel ku shaacisay inay wakiil diblomaasiyadeed u magacowday waxa ay ugu yeertay “Somaliland”.

 

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay si cad ugu xadgudbayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirradu waxay adkeeyeen inay si buuxda u diidan yihiin dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wax u dhimaya madax-bannaanida ama midnimada dalalka, iyagoo carrabka ku adkeeyay taageeradooda aan kala go’a lahayn ee ku aaddan midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxay muujiyeen taageerada ay u hayaan hay’adaha rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya oo ay ku tilmaameen kuwa kaliya ee matala rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale, wasiirradu waxay xuseen in tallaabadaasi ay si toos ah uga hor imaaneyso mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada Midowga Afrika, iyagoo ka digay inay abuuri karto xaalad halis ah oo saameyn karta xasilloonida Geeska Afrika.

 

Ugu dambeyn, bayaanka ayaa lagu tilmaamay arrintan mid halis ku ah nabadda iyo amniga gobolka, taasoo saameyn taban ku yeelan karta guud ahaan xasilloonida caalamka.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights