Maraykanka ayaa mowjado duqaymo dhanka cirkaa ku garaacay kooxda Xuutiyiinta sida uu sheegay Madaxweyne Donald Trump, isaga oo sabab uga dhigay weerarrada kooxda hubaysan ay ku qaadayaan maraakiibta Badda Cas.
“Kooxda burcada ah oo ay maalgaliso Iiran ayaa weeraro gantaallo ku riday maraakiibta Maraykanka waxayna bartilmaameedsadeen ciidamadeena iyo kuwa xulufada” ayuu Trump ku yiri qoraal u soo dhigay barihiisa bulshada, isagoo intaa ku daray in “burcad-badeednimadooda, rabshadaha, iyo argagixisada” ay ku kacday “Balaayiin doolar” isla markaana khatar gelisay nolosha dadka.
Wasaaradda caafimaadke ee ay Xuutiyiintu maamulayaan ayaa sheeegtay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen halka sagaal kalane ay ku dhaawacmeen duqaymaha.
Kooxda ayaa bilowday bartilmaameedsiga maraakiinta iyagoo sheegay inay jawaab ugu bixinayaan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Qasa, iyagoo sheegay in ciidamadoodu ay ka jawaabayaan duqaymaha Maraykanka.