Duqeyn Ka Dhan Ah Daacish: Mareykanka Oo Weerar Ka Fuliyay Buuraha Calmiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee United States Africa Command (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday kooxda ISIS-Somalia, kuwaas oo fariisimo ku leh togga Baallade ee buuraha Cal Miskaad Mountains ee gobolka Bari.
War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday meel qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Bosaso.
AFRICOM oo garab ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlaha milatari ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Daacish ee ka dagaallamaysa Soomaaliya, si looga hortago khatar ay ku yeeshaan gudaha United States, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.
Dowladda Mareykanka faahfaahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha ka dhashay duqeynta, gaar ahaan tirada dagaalyahannada lagu dilay ama waxyeellada ka soo gaartay talisyada Daacish ee ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah buuraha Calmiskaad.
Duqeyntan ayaa kusoo beegantay xilli maamulka Puntland State of Somalia uu hoos u dhigay howlgaladii milatari ee lagula dagaallamayay Daacish ee ka socday buuraha Calmiskaad, iyadoo ciidamadii halkaas kula dagaalamayay kooxdaas laga soo saaray qaar ka mid ah fariisimaha.
Maamulka Puntland ayaa aaminsan in dagaalyahanno tiro yar oo firxad ah ay weli ku go’doonsan yihiin buuraha Calmiskaad, kuwaas oo laga jaray sahaydii ay hore uga heli jireen dad si qarsoodi ah ugu gudbin jiray raashin iyo xoolo.
Dowladda Mareykanka ayaa muddo ka badan hal sano taageero weyn oo dhinacyada duqeynta cirka iyo xogta sirdoonka ka siinaysay Puntland dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish ee ka dagaallamaysa buuraha Calmiskaad.











