Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa ka digay in dagaalku “uusan weli dhammaan” inkastoo dagaalyahannada mucaaradka ay xilka ka qaadeen madaxweyne Bashaar Al-asad, isagoo muujiyay isku dhacyada u dhexeeya kooxaha hubaysan ee Turkiga uu taageero iyo dagaalyahannada Kurdiyiinta ee waqooyiga dalkaas.
Geir Pedersen ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo ku sugan New York Talaadadii, isagoo ka digay in kororka millatari uu noqon karo “musiibo”.