20220420 095837 780x470 1 - Wardeeq news

Magaalooyinka Beledweyne iyo Laas-caanood oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Sool, waxaa dilal qorsheyn loogu geystay qof shacab ah iyo Mas’uul ka tirsan Somaliland.

Allah ha unaxariistee, Saciid Xasan Axmed ( Madaxeey) ayaa la sheegay inuu hoygiisa ku dilay Nin hubeysan kaas oo ku yaala magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in Dilka Marxuumka uu salka ku hayo aanooyin qabiil kaas oo la xiriira arrimo Beeleed iyo Haweeneey la isku qabsaday.

Geysta kale, wararka aan ka heleeno Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in koox hubeysan ay Magaaladaas ku dishay  Isu-duwihii Qandaraasyada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Faarax (Jeeri). Sida warbaahinta uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolkaas Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdikariin ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, isaga oo tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay marxuumku, inuu samir iyo imaan Alle ka siiyo.

Dad goob-joogayaal ayaa sheegay in kooxdii dilka geysatay ay goobta ka firxadeen, balse laamaha ammaanka Magaalada Laascaanood ay wadaan baaritaano la xiriira cidii ka dambeysay dilka Isu-duwihii Qandaraasyada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Faarax (Jeeri).

Verified by MonsterInsights