FB IMG 1645278659436 720x470 1 - Wardeeq news

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay Makhaayad lagu qayilo oo ku taalla Nawaaxiga Isgoyska Maqaska ee Boosaaso, halkaasi oo ku sugnaayeen Odoy dhaqameedyo iyo dad kale howlaha doorashada u joogay magaaladaasi.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay Isbitaalada magaalada Boosaaso, halkaasi oo xaladooda caafimaad lagu dabiibayo, waxaana ku jira qaar ay xaaladooda culus tahay.

Waa weerarkii labbaad oo bishaan gudaheeda ka dhaca magaalada Boosaaso, iyadoo kii ka horreeyay sidaan oo kale la qarxiyay makhaayad ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu Boosaas ku wajahan yahay.

Magaalada Boosaaso ayaa ah deegaan Doorashada labbaad ee Puntland, iyada oo ay yaallaan kuraas gaareysa 16 oo kamid noqonaya Golaha Shacabka

Verified by MonsterInsights