Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Al-Shabaab uu ka dhacay koonfurta gobolkaasi.
Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerar ku billowday qarax oo Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaanka Wasil oo u dhexeeya magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo.
Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal toos ah oo saacado badan qaatay, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, balse ma cadda illaa iyo hadda inta uu gaariisan-yahay khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.