download 2 - Wardeeq news

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo Qarax xoogan oo xalay ka dhacay Duleedka Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha Sheikh Ibraahim.

Qaraxa oo jugtiisa in badan laga maqlay qeeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa sida la sheegay ka dhex dhacay Farmashi ku yaala Tableeha Sheikh ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso lagu dhex qariyay farmashiga taa oo keentay in uu qeeybo kamid ah farmashigu burburo, sidoo kalana dhaawac soo gaaro shaqaalihii farmashiga.

Warar hoose oo so baxayo ayaa shegaya in maamulka iska leh farmashiggaan la qarxiyay ay diideen amar kasoo baxay Dagaalamayasha Al-Shabaab kaas oo ay ku doonayeen in ay bixiyaan lacag lagu sheegay Sakawaad.

Markii uu qaraxu dhacay waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya iyagoona sameeyay baaritaano kala duwan inkastoo aysan howlgalka ay sameeyen aysan cidna kusoo qaban.

Verified by MonsterInsights