Faahfaahin: Dil Ka Dhacay Degmada Ceelwaaq, Booliska Oo Bilaabay Baaritaan”

Wararka laga helayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Guutada 3aad ee Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo siweyn looga yaqaanay Degmada Ceelwaaq .
Askariga oo lagu magacaabi jiray Cabdi Suubane Cilmi ayaa lagu dilay inta u dhaxeysa xaafadaha magaalada iyo xerada ciidanka ee ku taalla duleedka koofureed ee degmada. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah oo ka ogdowaa Goobta uu dilka ka dhacay.
Kooxdii ka dambeysay falka dilka ah ayaa goobta ka baxsatay isla markiiba kadib markii ay fuliyeen weerarka, waxaana socda baaritaanno ay wadaan laamaha ammaanka ee Jubbaland, iyaga oo doonaya inay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilaas.
Maamulka iyo hay’adaha amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, balse dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca Gobolka Gedo, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda Laamaha Amniga degmada Ceelwaaq ay War kasoo saaraan.
