Faarax Sh.Cabdulqaadir oo ku baaqay in xuriyadooda la siiyo dadkii loo xirxiray Ikraan darteed

0
60

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo Warbaahinta la hadlay waxa uu ku baaqay in shuruud la’aan lasii daayo dad lagu xiray Magaalada Baladweyne sabab la xiriirta dilka loo geystay Ikraan Tahliil Faarax.

Xildhibaanka ayaa Odoyaasha dhaqanka & Waxgaradka Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne ka codsaday in ay u istaagaan wax ka qabashada arrintaan si xorriyadooda loo siiyo dhalinyarada loo xiray dambi aysan gelin.

“Odoyaasha, Waxgaradka & dadka soomaaliyeed gaar ahaan Baladweyne waxa aan ugu baaqayaa in si degdeg ah xorriyadooda u helaan dadka aan waxba galabsan ee la heysto, arrintaasi ma aha mid u daneyneysa cadaalad aan u raadineyno Ikraan, dadku waa ehel & deris” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Xildhibaan Faarax waxa uu dhanka kale soo jeediyay in aanay laga harin kiiska Ikraan Tahliil oo Hay’adda NISA sheegtay in ay dishay Al-Shabaab, balse war kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku beeniyeen in ay ka dambeeyeen dilka Inantaan.

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka billowday qalalaase dabasocda Warsaxaafadeedka ay soosaartay Hay’adda Nabadsugidda taas oo horseedday in hab qabiileysan loo dhigo Kiiska Ikraan kaddib markii ay dowladda Soomaaliya xal u weysay kana aamustay muddo laba bil ah Arrinta Ikraan Tahliil Faarax.

Haddaba marka aad wada qiimeyso una fiirsato sida uu ku billowday Kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo sida ay sheegtay hay’adda NAbad-sugiddu in uu ku dhammaaday Fahad Yaasiin a yahay Eedeysane taagan kaalinta Garsoore mar haddii xafiiskiisu soosaaray in uu baaray islamarkaana xukumay in ay ju baxday gacanta Alshabaab?

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here