fahad 720x470 1 - Wardeeq news

Lataliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin ayaa aqbalay go’aanka ay Maxkamadda Sare ee dalka ku laashay dacwadii uu ka gudbiyay Guddiga Doorashada Heer Federal ee FIET.

Qoraal uu soo saaray Fahad Yaasiin ayuu ku muujiyay in Maxkamadda Sare ay guda gashay garmaqalka Kiiskan, balse aysan Natiijadii uu rabay soo saarin.

Maxkamadda sare ayaa maanta sheegtay in aysan awood u laheyn qabashada dacwadda uu Fahad ka gudbiyay Guddiga FIET, iyada oo ku sababeeysay in uusan soo marin waddooyin kale oo uu caban karay sida Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada iyo Madasha Golaha Wadashiga Qaran.

Hoos ka akhriso Qoraalka Fahad

Verified by MonsterInsights