IMG 20220220 WA0008 720x470 1 - Wardeeq news

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta waxaa loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Guddiga doorashooyinka Hirshabelle ayaa sheegay in Fahad Yaasiin helay codad gaaraya 70 -cod, halka Axmed Maxamed Axmed uu helay 24 cod.

“Fahad daahir Axmed (Fahad Yasin) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#086 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 70 -cod halka musharaxii la tartamayay Axmed Maxamed Ahmed uu heley 24-cod, Waxaa halaabay 3- cod, Wadarta guud soo xaadirtay Ergada waa 97 qof.” Ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

Doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee BS ayaa maanta si rasmi ah ugu bilaabatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoona goordhow la doortay kursigii ugu horeeyay, waxaana haatan soconaysa doorashada kursiga labaad ee golaha Shacabka

Verified by MonsterInsights