Wararka laga helayo degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu halkaasi dagaal ku dhex maray ciidamo kala taabacsan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.
Iska hor imaadka ayaa bilowday kadib markii garoonka Doolow ay ka degtay Diyaarad kasoo kacday magaalada Kismaayo oo ay la socdeen wasiiro, mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan Jubbaland, waxaan mas’uuliyiintaasi ka mida Maxamed Xuseen Isaaq Al-Qaadi oo Guddoomiyaha uu Gobolka Gedo uu dhowaan u magacaabay Axmed Madoobe.
Diyaaradda ayaa jebisay xayiraadii ay dowladda Federaalka saartay garoonka Doolow.
Dagaalka degmada Doolow ka socda ayaa u dhaxaysa Ciidamada Dowladda oo dhinaca ah iyo ciidamada Guddoomiyaha Degmada Maxamed Xuseen Lafey oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiyaanka oo dhinaca kale ah.
Wararkii ugu danbeeyay ee Doolwo ayaa sheegaya inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo rasaasta ugu badan ay ka dhaceyso Taliska ciidamada NISA ee magaalada Doolow.