Hogaamiyayaasha G7 ayaa cambaareeyey weerarka gantaalada halista ah ee Ruushka uu ku qaaday goob ay dadku ku badan yihiin oo laga dukaameysto oo ku yaala dalka Ukraine, waxayna ku tilmaameen “dambi dagaal oo karaahiyo ah”.
Bayaan ay Isniintii soo saareen hogaamiyayaasha G7, oo shir ku lahaa dalka Jarmalka, ayaa balan qaaday in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo kuwii ka dambeeyay weerarka lala xisaabtami doono.