March 18, 2025

Gaari ciidan ah oo lagu gubay Xamar, booliskuna waxay qaaday tallaabo deg-deg ah

59 / 100

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dhacdadii shalay Afarta Darjiin ee sababtay dilka wiil Bajaajle ahaa iyo in la gubo gaari ay lahaayeen ciidamada booliska, kadib shaqooqo ka dhacday halkaasi.

 

Ugu horreyn wuxuu xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka damebeeyay falkaasi oo ka tirsan ciidanka Taraafikada, wuxuuna sheegay inuu ku xiran yahay xarunta dambi baariska ee C.I.D, isaga oo intaas ku daray in la horgeyn doono maxkamadda ku shaqada leh.

 

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in dil uu ka dhacay isgoyska Afarta Jardiin, kaas oo uu gaystay eedeysane ka tirsan ciidanka nabad-gelyada waddooyinka, gaar ahaan Taraafiko. Eedeysanahaas waxaa gacanta ku haya ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ku socota baaris, si cadaaladda loo horgeeyo” ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in booliska Soomaaliyeed uu ku raad-joogo shaqsiyaad uu sheegay inay ka dhex faa’iideysteen shaqaaqada, isla markaana gubay mid kamid ah gawaarida ciidanka booliska oo shalay lagu burburiyay goobta, kadibna dab la qabad-siiyay.

 

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay, haddii lasoo qabto dadkaasi in lasoo taagi doono maxkamad si loogu qaado faldambiyeedka ay galeen sida uu hadalka u dhigya.

 

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed wuxuu ku raad-joogaa eedeysanayaal kusoo dhex dhuuntay goobta uu dilka ka dhacay xilliga ay saxmadda socotay, kuwaas oo si bareer ah u burburiyay gaari uu lahaa booliska Soomaaliyeed oo ah hanti dadweyne, kaas oo ay si bareer ah u burburiyeen, kadibna ay dab qabad-siiyeen” ayuu markale yiri.

 

Afhayeenka ayaa intaasi kusii daray in qof weliba dambiga uu gaysto isaga lagula xisaabtami doono, wuxuuna falalka noocaan ah uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

“Bulshada Soomaaliyeed waxaan sidoo kale ku wargelinayaa shaqsi kasta oo ah muwaadin Soomaaliyeed dambiga uu gaysto inuu isaga masuul ka yahay” ayuu raaciyay.

 

Falkan wuxuu daba socday dilka wiil Bajaajle ahaa oo si bareer ah uu askari ka tirsan Taraafikada ugu gaystay Afarta Darjiin, waxaana kadib dib-bax dhigay Bajaaleyda iyo shaca careysan oo isugu soo baxay halkaasi, kadibna waxay isku dhaceen booliska.

 

Dhacdooyinkan ayaa soo noq-noqday, waxaana marar badan darawallada Bajaajleyda oo u badan dhalinyaro siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho