Gantaal militari oo ku dhacay gobolka Al-Kharj ee dalka Sacuudiga, ayaa dilay laba qof, 12 kalena dhaawacay

Gantaal militari oo ku dhacay gobolka Al-Kharj ee dalka Sacuudiga, ayaa dilay laba qof, 12 kalena dhaawacay

Madaafiic milatari ayaa Axaddii ku dhacday xaafad ku taal Gobolka Al-Kharj ee Sacuudiga, waxaana ku dhintay laba qof, 12 kalena way ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga.

 

Afhayeen u hadlay Difaaca Madaniga ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay xarun ay degan yihiin shirkad dayactir iyo nadiifin ah oo ku taal al-Kharj.

 

Dhacdadu waxay dishay hal muwaadin oo Hindi ah iyo hal muwaadin oo Bangladesh ah, halka 12 qof oo Bangladesh ah ay ku dhaawacmeen. Weerarka ayaa sidoo kale sababay burbur hantiyeed, ayuu raaciyay afhayeenka.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *