March 17, 2025

General Kaniif iyo saraakiil kale ayaa kormeer ku maray waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye

53 / 100

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo saraakiil kale ayaa xalay kormeer ku maray waddada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Saraakiishan oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa cagta saaray waddada aadda Afgooye, iyadoona socdaalkooda uu ujeedkiisu ahaa kormeer amni xaqiijin ah.

 

Saraakiisha ayaa kormeer ku sii sameeyay amniga deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye. Waxay kormeereen deegaanada Ceelasha Biyaha, Arbacow, Xaawo Cabdi iyo 5-ta Golaha Sare, oo ay uga sii gudbeen dhinaca Degmada Afgooye.

 

Ka hor inta aysan gaarin Afgooye waxay ka dukaameysteen goobaha ganacsiga ee ku yaala deegaanadii ay kormeerka ku mareen, iyagoo ganacsatada iyo shacabka kaleba ka wareysanayay xaaladda amniga.

 

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa laga soo xigtay in saraakiishan ay Afgooye kulan amniga la xiriira ay kula qaateen hay’adaha ammaanka ee degmadaasi.

 

Taliye Kaniif, saraakiishii uu hoggaaminayay iyo ciidamadii la socday ayaa saacado ka dib ku soo laabtay Caasimadda Muqdisho, mana jirto wax amni darro ah oo waddada ay kula kulmeen.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka noqonaya hawlgalada ay ciidamadu ku xaqiijinayaan amniga ee la rabo inay amniga ku adkeeyaan.

 

Kormeerkoodan ayaa imanaya, ka gadaal markii Sabtidii inta u dhaxeyso Ceelasha Biyaha iyo Lafoole lagu arkay kooxo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, taasoona abuurtay walaac amni.