Golaha Mustaqbal Soomaaliyeed oo fariin adag u diray Xasan Sheekh, kana digay muddo kororsi

War qoraal ah oo kaso baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan looga muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka, iyadoo lagu eedeeyay madaxda sare ee dowladda inay ka gaabiyeen fulinta waajibaadkooda dastuuriga ah.
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in sida ku cad dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, ay ahayd in muddo xileedka hay’adaha federaalka uu si rasmi ah u dhammaado 14-ka Abriil 2026, balse ay muuqato in aan la diyaarin hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka, taas oo keeni karta qalalaase siyaasadeed.
War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay qabashada doorashooyin waqtigooda ku dhacaya, isla markaana uu doonayo inuu dib u dhigo, isagoo aan jirin heshiis siyaasadeed oo arrintaas saldhig u ah.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale sheegay in muddo xileedka madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026, isla markaana wixii ka dambeeya waqtigaas aysan jiri doonin sharciyad uu ku sii joogo xafiiska haddii aan la qaban doorasho heshiis lagu yahay.
Waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay ilaashadaan dastuurka dalka, isla markaana aysan aqbalin wax kasta oo horseedi kara xukun ku meel gaar ah ama muddo kororsi aan sharci ahayn.
Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, ayna taageeraan hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ku saleysan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka ayaa ku adkeeyay in xasilloonida iyo mustaqbalka dalka ay ku xiran yihiin ixtiraamka dastuurka, qabashada doorashooyin hufan, iyo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay
