FB IMG 1654503568323 780x470 1 - Wardeeq news

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay saddex(3) kamid ah guddida diiwaan-galinta ururada, kadib markii madaxweynuhu dib ugu soo celiyay saddexdaasi xubnood oo hore u waayay kalsoonida xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland

Saddexdan xubnood ayaa waxaa ay kamid ahaayeen todobada(7) xubnood oo guddida diiwaan-galinta ururada hore afar kamid ah ay goluhu u ansixyeen, halka sadaxdaab xubnood dib loogu celiyey madaxweeynaha Somaliland.

Ansixinta Sadaxdaan xubnood ayaa ka dhigan inĀ  sidaasi ku dhamaystirantay guddida diiwaan-galinta ururada iyo asxaabta Soomaliland

Verified by MonsterInsights