Golaha Wasiirada Puntland Oo Ansixiyay Xeer Wax ka Badal Lagu Sameeyay

0
64

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Maamulkaasi Puntland.
Golaha 2 - Wardeeq news
Shirka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay amniga, ansixinta Siyaasadda Biyaha Puntland, ansixinta wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Xeerka Caanaha, dib-u-habeynta iyo dayactirka Waddooyinka Puntland iyo xaaladda degmooyinka Puntland.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer kadib ansixiyey Siyaasadda Biyaha Puntland iyo wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay xeerka Caanaha Puntland oo ay mudaneyaashu soo akhrin doonaan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay adeega dadweynaha loo hayo iyo sidii loo sii horumarin lahaa, wuxuuna Madaxweynuhu la wadaagay Golaha Wasiirada in la dhiirigeliyo ganacsatada yaryar

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here