154584795051b80 - Wardeeq news

Waxaa saakay xiran inta badan goobihii ganacsiga Suuqa ugu weyn Soomaliya ee Bakaaraha.

Sababta ka dambeysa arintaan ayaa lagu sheegay amar kasoo baxay dagaalyahanadda Daacish ee Soomaaliya ka dagaalama, oo Ganacsatadda Suuqa kusoo rogay amar canshuur bixin ah.

Sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah Ganacsatadda Suuqa Bakaaraha, Dagaalyahanadda Daacish ayaa lacago xad dhaaf ah ka dalbaday ganacsatada Suuqa,waxaana arintaas ka hor yimid qaar kamid ah ganacsatadda oo sheegtay in aysan awoodin bixinta lacagta ay doonayaan Daacish.

Dhanka kale qaar kamid ah Ganacsatadda ayaa fuliyay amarka Daacish ee bixinta lacagta waxaa loo ogolaaday in ay ganacsigooda wataan.

Waxaa xiran muddo bilooyin ah goobo ganacsi oo magac ku lahaa Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo fulin waayay amarka Daacish,waxayna gaarayaan ilaa dhowr xarumood.

Dagaalyahanadda Daacish ee Saldhiga ku leh Buuraha galgala ee Puntland,ayaa mudooyinkii dambe ka howlgalayay koofurta Soomaaliya,waxayna canshuuro ka qaadayeen Ganacsatadda.

Sida laga soo xigtay qaar kamid ah Ganacsata, dagaalyahanadda Daacish ayaa dul dhiga ganacsatadda in ay bixiyaan lacago u dhaxeeya $40,000 ilaa $200,000 taasi aysan awoodin ganacsatadda.

Lama ogo go’aanka ay qaadan doonaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha, oo ku aadan amarka kasoo baxay dagaalyahanadda Daacish.

Verified by MonsterInsights