Guddoomiyaha Gedo Cabdullaahi Shimbir 1 - Wardeeq news

GARBAHAAREY ( wardeeqnews) – Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac ayaa shaqo ka joojin ku sameeyay labo xubnood oo ka tirsan maamulka degmada Garbahaarey oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Garbahaarey.

Koox hubeysan ayaa weeraray xafiiska hay’adda ACTED ee degmada Garbahaarey, kaasoo sababay dhaawaca hal qof oo shaqaalaha hay’adda ah.

Labada masuul ee shaqada laga joojiyay ayaa kala ah Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Garbahaarey iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Garbahaarey.

Gedo Governor suspends two senior officials 1 - Wardeeq newsLabada masuul ee shaqada laga joojiyay ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Garbahaarey iyo xoghayaha dowladda hoose ee Garbahaarey.

Sidoo kale kooxaha hubeysan oo maamulka ka tirsan ayaa ku qasbay diyaaradaha ka hawlgala Garbahaarey inay lacag canshuur dheeraad ay bixiyaan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in ragga hubeysan oo maamulka degmada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo ay isku dayeen inay xoog ku galaan xafiiska shirkadda xawaaladda Dahabshiil halkaasoo ay rabeen inay xoog kula baxaan lacag canshuur ah oo maamulka degmadu leeyahay.

Verified by MonsterInsights