B19C3BAE 617A 46CF AB85 EBCEE2B4474B 780x470 1 - Wardeeq news

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka China Amb. Fei Shengchao.

Danjiraha oo dhambaal salaan ah soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, kaas oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka China  Li zhanshu.

Sidoo kale, safiirka ayaa xusay in dowladda China ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho oo ay siiso  dalkeenna, isagoo ballan qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan horumarinta adeegyadda muhiimka ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey doorka horumarineed  ee dowladda China ay ka wado dalkeenna uu yahay mid lama ilaawaan ah, waxaana uu ku dhiira-geliyey in dedaalkaasi uu noqdo mid mira dhal ah oo mataaneeya labada dowladood

Verified by MonsterInsights