Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay Senoter Gaagaab isagoo tilmaamay in uu ahaa qof waddaniah, jecel dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana muddo dheer u soo shaqeeyey. Waxaa uu sheegay in Senoter Gaagaab uu ku
dhisnaa mabaadi’da waddaniyadda iyo adeegga bulshada, isla Markaana uu si Daacad ah ugu adeegay dalkiisa. Guddoomiyaha ayaa si weyn ugu amaanay shaqada iyo gargaarka uu Gaagaab, u sameeyey shacabka, isagoo muujiyey in uu ka tagay dhaxal wanaagsan oo loogu dabaaldego.