Gudoomiye Khayre oo beeniyay in Xarunta Degmada Howlwadaag lala wareegay

0
164

Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mustaf Cali Khayre ayaa si adag u beeniyay in lala wareegay Xarunta Degmada.

Barraha bulshada ayaa caweyskii xalay lagu arkay muuqaal muujinaya xoogag taabacsan Midowga Musharaxiinta oo la wareegaya xaruntaasi.

Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa goor dambe oo xalay ahayd koox Wariye-yaal ah kula hadlay Xarunta Degmada Howlwadaag, si uu ugu muujinayo inaanan lala wareegin xaruntaasi.

Mustaf Cali Khayre, Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa yiri “Ummadda waxyaabaha khaladka ah faafineysa waxaan leenahay waxa noocaas oo kala ah ka xishooda, ummadana u soo gudbiya wax wanaagsan.”

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaa lagu jiraa 10-kii dhexe ee dembi dhaafka, haddaad wax soo gudbineysaan fadlan wax wanaagsan soo gudbiya.”

Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa waxaa saameeyay weerarkii Ciidamada Dowladda ku qaadeen hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. wardeeqnews

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here