Hambalyo iyo Bogaadin: Farmaajo oo Salaan u Diray Ugaas Cabdirisaaq Ugaas

Farmaajo oo Hambalyo u Diray Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Faracadde oo maanta la caleema saaray
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa hambalyo u diray Ugaaska cusub ee beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo maanta si rasmi ah loogu caleemo-saaray caasimadda Muqdisho.
Farmaajo ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay mid muhiim u ah dhaqanka iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in hoggaanka dhaqameed uu door weyn ka qaato nabadeynta, xasilinta iyo horumarinta bulshada.
Caleemo-saarkan oo maanta dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo lagu tilmaamay mid muujinaysa qiimaha iyo dowrka hoggaanka dhaqanka ee dalka.
