Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadd Somaliland, kadib markii maydadka laba qof laga dhex helay gaari madow oo waddada yaallay. Gaariga ayaa yaallay waddo dhacda
xaafadda shacabka ee magaalada Hargaysa; waxaana laga helay maydadka labada qof oo ku jiray baabuurka oo la sheegay inay iyagu wateen. Wararka ayaa intaasi kusii daraya labada qof uu mid-kood ahaa askari ku labisan direeska ciidanka ilaalada madaxtooyada
Somaliland, halka qofka calena ay ahayd dumar. Sidoo kale goobjoogayaal indha saaray maydadka labada qof ayaa sheegay in wax dhaawac. Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale goobta gaaray; kuwaas oo isku geedaamay baabuurka, waxayna wadaan baaris ku aadan falkaas