luuq - Wardeeq news

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay xadka u dhexeeya gobollada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Jalalaqsi waxaana uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkasi.

Inta la xaqiijiyaa waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo dhammaan maleeshiyaadkii dagaalamay. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo mas’uuliyiinta maamulka Hirshabelle oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxana weli is horfadhiya maleeshiyaadka diriray oo wada is uruursi ciidan, sida ay innoo

Verified by MonsterInsights