Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni -darrada siyaasadeed ee ka jirta waddanka ku yaalla Geeska Afrika.
Khilaafka ayaa si aad ah u sii kordhay Khamiistii markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo dadku u yaqaanaan Farmaajo, uu hakiyay awoodihii fulinta ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble – tallaabadaas oo ra’iisul wasaaruhu si degdeg ah u diiday “sharci darro”.