Hoggaanka Al-Shabaab oo Isku Khilaafay: Xiisad Cusub oo Soo Ifbaxday

Hoggaanka Al-Shabaab oo Isku Khilaafay: Xiisad Cusub oo Soo Ifbaxday

Al-Shabaab! Xog sir ah oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa muujineysa in khilaaf culus uu ka dhex qarxay hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, kadib muran ka dhashay lacag lagu qiyaasay $10 million oo la sheegay inay ka timid dalal Carbeed.

Lacagtan ayaa la sheegay in loogu talagalay taageero iyo dib-u-dhiska awoodda kooxda, xilli dowladda Soomaaliya ay si adag u xakameysay dhaqaalaha gudaha, isla markaana ay sharci adag dul dhigtay cid kasta oo lacag u dirta kooxda.

:Khilaafka ayaa si gaar ah u dhex maraya laba ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sareeya:

Abu Cubeyda – hoggaamiyaha guud ee kooxda

Ibraahim Cali Aadan – ku-xigeenka, oo sidoo kale madaxiisa la dul dhigay abaalmarin lacageed

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku mari la’yihiin qaybsiga lacagta, iyadoo mid walba uu doonayo inuu gacanta ku dhigo awoodda dhaqaale.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha uu qorsheynayo inuu dalka ka baxsado, taasoo haddii ay dhacdo noqon karta dharbaaxo culus oo soo gaarta kooxda.

Arrintan ayaa muujineysa daciifnimo cusub oo soo wajahday kooxda, xilli cadaadis militari iyo mid dhaqaale ay si weyn u saameeyeen.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights