Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ka dhacay deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, oo gaarayay 29 xubnood, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay NISA.
Sidoo kale, duqeyn ay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka fulisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa lagu khaarijiyay 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta. Howlgalladan oo maanta soo bilowday ilaa iyo haddana socda ayaa jab xoog leh lagu gaarsiiyay argagixisada.
“Hay’adda NISA waxa ay dadka rayidka ah ku wargelineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ciidamada qaranka ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey beegsiga maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana kooxda laga laayey xubno badan.
Arbacadii, ugu yaraan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal duqeyn ah oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska, howlgalka oo si qorsheysan u dhacay, ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda, waxaana lagu dilay Mansoor Timo-Weyne, oo ahaa horjoogihii kooxda u qaabilsanaa isku-diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka.
“Howlgalkan wuxuu bartilmaameedkiisu ahaa xubno muhiim u ah kooxdan, gaar ahaan Mansoor Timo-Weyne, oo dhowaan ka yimid Buulo Fulay isaga oo waday gaadiid la dayactiray, kuwaas oo kooxda ay u adeegsan jirtay weerarrada argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay CXDS.
Sidoo kale, Talaadadii, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Basro ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
“Howlgalkan oo labo jeer oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta, waxa uu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha 16 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad,” ayaa lagu yiri bayaanka NISA.
Sida ay hay’addu sheegtay, xubnahaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku go’doonsanaa dhul hawd ah oo ku dhow deegaanka Basro.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay ka sii xoogeysanayey gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen duullaan xooggan.
Dagaallo ciidamada dowladda, oo kaashanaya kuwa deegaanka, iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Shabeellaha Dhexe ayaa dhaliyey khasaare naf oo xooggan.