Capture 1 12 750x430 1 - Wardeeq news

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgalo saacado qaatay waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir gaar ahaan degmooyinka kala ah Kaaraan, Hiliwaa iyo Yaaqshiid ee Magalada Muqdisho.

Howlgalka Ciidamada ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qab-qabtay rag dhallinyaro ah oo mid haweeney ay tahay, isla markaana waxaa lagu qabtay xaafad ka tirsan Yaaqshiid, kuwaasi oo la sheegay in xilligii lasoo qabanayey ay isticmaalayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Taliye ku-xigeenka qeybta guud ee Booliska Cali Dhuux Mahad Alla oo howlgalka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka xalay kala sameeyay degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka.

Wuxuu sheegay Taliye Cali Dhuux in sidoo kale howlgalka looga hortegaayay falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca, kooxaha hubeysan ee burcada ah iyo dhallinyarada Ciyaal weerada, oo uu xusay Taliyaha inay dhibaato ku hayaan shacabka

Taliye ku-xigeenka qeybta guud ee Booliska Cali Dhuux Mahad Alla ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in howlgalada noocaan oo kale ah ee lagu xaqiijinayo amniga degmooyinka Gobolka uu yahay mid sii socon doono, oo looga hortegayo wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda…

wardeeqnews.net

Verified by MonsterInsights