Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe, isla markaana lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale oo badan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu khaarijayay horjooge lagu magacaabo Mansoor Timo-weyne, kaas oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka gaadiidka dagaalka.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in horjoogahan uu ka yimid dhinaca deegaanka Buulo Fulay, isaga oo gaadiid lasoo dayactiray u waday Al-Shabaabka soo galay gobolka Shabeelaha Dhexe, balse waxaa lagu dilay duqeyn ka dhacay aagga Damasha Shabeelow.
Waxa kale oo howlgalkan lagu khaarijiyay 50 kale oo ka tirsanaa argagixisada, kuwaas oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale baahisay in howlgalkan lagu burburiyay saddex gaari oo nooca dagaalka ah oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay u adeegsan rabtay weerarada ay ka wada gobolka Shabeelaha Dhexe.
Arrintaan ayaa ka dhigan in jab culus la gaarsiiyay kooxda oo hore sidaan oo kale ula kulantay duqeymo culus.
Dilka loo gaystay horjooge Mansoor Timo-weyne waxaa ka horreeyay khaarijintii Daa’uud Maleele oo sina kooxda argagixisada ah u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Zakawaatka iyo sidoo kale sahanka deegaanka Beledul-Amiin oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo todobaadkan howlgal kale lagu dilay.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka ee maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan gobolka, kuwaas oo looga hortegayo abaabulka kooxda Al-Shabaab.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay kusii xoogeysanayey gobolka Shabeellaha Dhexe oo deris la ah Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, halkaasi oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen duullaan xooggan.
Dagaallo ciidamada dowladda, oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Shabeellaha Dhexe, ayaa dhaliyey khasaare naf oo xooggan, welina waxaa lagu dagaalamayaa deegaanada fog ee gobolkaas