262318206 455414519278971 2442446516602536110 n 400x250 1 - Wardeeq news

Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Xasan Gablax oo ka tirsan barlamaanka Puntland, degaan doorashadiisuna tahay gobolka Mudug ayaa ka digey heshiis ay guddiga gacanta ku haya dekedda Garacad la galaan shirkad laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Gablax ayaa uga digey guddiga Wadaagsan ee dekedda maamula in ay galaan heshiis aan la shaacin, wuxuuna xusay in heshiis aan la gala tashan waxgaradka iyo bulshada gobolkaasi uu wiiqi doono xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaya xilka xildhibaanimo ee laga soo doortay degmada Jarriiban, waxaan halkaan uga digayaa Guddida Shirkadda Wadagsan inay ku degdegaan heshiis aan la shaacin oo khuseeya Dekedda Garacad oo ay la galaan shirkad ay dawladda Imaaraadka Carabtu leedahay,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Gablax.

“Shirkada Wadagsan keligeed iskama leh dekedda Garacad. Odoyaasha iyo dadka aan kasoo jeedo ee Mudug, lagalama tashan hantidooda ay maalgashadeen, waxayna ka walaacsan yihiin hubanti la’aanta uu heshiiskani ka dhex abuuri karo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.”

Imaaraadka Carabta, oo adeegsanaya shirkadda DP World ayaa waxa ay hadda heshiis maamul kula jiraan laba ka mid ah dekadaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah dekadda Berbera iyo dekedda Boosaaso.

Si kastaba, inkasta oo horumarin wanaagsan ay ku sameeyeen dekadda Berbera, haddana Imaaraadka qarash badan kuma bixin umana casriyeyn dekadda Boosaaso, si la mid ah tan Berbera.

Dadka reer Puntland qaarkood ayaa aaminsan in Imaaraadka aysan daacad ka aheyn inay horumariyaan dekadda Boosaaso, islamarkaana ujeedkooda markii horeba uu ahaa inay gacanta ku dhigaan si ay uga hor-istaagaan dalal iyo shirkado kale in ay la wareegaan maamulka.

Verified by MonsterInsights