Ingiriiska Oo Shaacisay Mowqifkeeda Aqoonsiga Somaliland

0
156

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aadan in Ingiriiska uu dal ahaan u aqoonsanaayo Maamulka Somaliland.

Baarlamaanka Maamulkaas ayaa bilaabay in ay ka doodaan arinta ku aadan in Maamulka Somaliland loo aqoonsado dal ka madax banaan Somaaliya.

Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda ingiriiska, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas Victoria Grace Ford, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xiriira darajada Somaliland.

Waxa ay sheegtay in arinta ku aadan in Ingiriiska uu dal ahaan u aqoonsanaayo Maamulka Somaliland  iyaga aysan quseynin,balse Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland u dhaxeyso.

“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay ku tiri qoraalkeeda.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here