INKABADAN AFAR KUN OO ARDAY OO WAX KA BARANAYAY MUQDISHO OO KU DHACAY IMTIXAANKA DUGSIGA SARE

0
279

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Natiijada ayaa lagu sheegay in 34908 arday ah oo sanadkaan imtixaanka u fadhiisatay Imtixaankana ay hartay 14%, halka 86% ay Ku soo baxeen Imtixaanka .

Ardayda gobolka Banaadir ayaa markale sanadkan arday faro badan ay ku dhaceen imtixaanka,waxaana haray arday gaareysa 4382 arday halka ardayda Galmudug ay ka dhaceen 2 arday oo kaliya.

Ardayda ugu sareysa natiijada imtixaanka oo tobanka dhibcood ay ahayd ayaa waxaa ka gashay 16 arday oo wax ka bartay dugsiyo ku yaal gobolka Banaadir,Maamul goboleedka Galmudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Hase yeeshee ardayda ugu sareysa oo 16 arday ah ayaan ku jirin ardayda wax ka barata dugsiyada ku yaal dowlad goboleedka Hirshabelle.

Hoos Ka Akhriso Natiijada 10-Ardya ee Kaalmaha ugu Horeeyo Gashay;

inkabadan afar kun oo arday oo wax ka baranayay muqdisho oo ku dhacay imtixaanka dugsiga sare
inkabadan afar kun oo arday oo wax ka baranayay muqdisho oo ku dhacay imtixaanka dugsiga sare

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here