Skip to content
  • Privacy Policy
  • ABOUT US
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
Wardeeqnews

Wardeeqnews

Wardeeq 24TV

  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Xulka wararka
  • Barnaamijyada
  • Home
  • Xulka wararka
  • Wararka
  • Ismaaciil Cumar Geelle oo ka digay tallaabooyinka Israa’iil: “Qorshahan wuxuu khatar ku yahay xasilloonida Geeska Afrika”
Wararka
Ismaaciil Cumar Geelle oo ka digay tallaabooyinka Israa’iil: “Qorshahan wuxuu khatar ku yahay xasilloonida Geeska Afrika”
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan ku qoray Jeune Afrique si cad uga hadlay arrimaha ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya.   Geelle ayaa sheegay in ujeedada Israa’iil ay tahay in ay ka faa’iideysato dhulka Somaliland iyadoo wadata...
  • Wararka

Ismaaciil Cumar Geelle oo ka digay tallaabooyinka Israa’iil: “Qorshahan wuxuu khatar ku yahay xasilloonida Geeska Afrika”

Farxaan Yuusuf3 hours ago02 mins

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan ku qoray Jeune Afrique si cad uga hadlay arrimaha ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya.

 

Geelle ayaa sheegay in ujeedada Israa’iil ay tahay in ay ka faa’iideysato dhulka Somaliland iyadoo wadata ujeedo aan nabad ahayn, wuxuuna tilmaamay in maamulka Somaliland uu diyaar u yahay in uu wax walba siiyo Netanyahu si uu u helo aqoonsigaas. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka digay saldhig milatari oo ay Israa’iil ka samaysatay Berbera, isagoo sheegay in taasi ay tahay arrinta ugu weyn ee laga baqayo.

 

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale cambaareeyay doorka Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay inay hormuud ka yihiin taageerada Israa’iil ee gobolka, islamarkaana ay abuuraan khilaafaad ka jira Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Chad, Libya iyo meelo kale.

 

Geelle ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Jabuuti iyo Somaliland, gaar ahaan Cabdiraxmaan Cirro, madaxweynaha Somaliland, isagoo sheegay:

 

“Xiriirku waa qabowyahay. Jabuuti ayaa diiday in ay la kulanto ama telefoon ka qabato Cabdiraxman Cirro. Xadka weli wuu furan yahay, balse duulimaadyadii hawada ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Hargeysa waa la hakiyay.”

 

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku adkeystay in falsafada hoggaamiyeyaasha Somaliland muddo 34 sano ah lagu soo koobayo hal war: “Haba yaraatee agoonsi aan helno, xitaa haddii ay tahay mid shaydaan,” isagoo caddeeyay in Jabuuti aysan raacsaneyn in gobolka iyo Soomaaliya laga abuuro dhibaato siyaasadeed.

  • Adduunka oo Maanta u Dabaaldegaya Maalinta Raadiyaha Adduunka
  • Dadka Bangladesh oo u dareeray codbixin taariikhi ah
  • Maraakiib Dagaal oo Turkigu Soo Gaarsiiyay Muqdisho
  • Henderson lacag ayuu u haray caawinta biilasha biyaha iyo wasakhda

Tagged: Ismaaciil Cumar Geelle

Post navigation

Previous: Turkiga iyo Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka maanta

Turkiga iyo Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga

Farxaan Yuusuf8 hours ago 0

Soomaaliya oo ka Qeybgalaysa Shirweynaha Organization of Islamic Cooperation ee ka Furmaya Sacuudiga, Xoojinta Iskaashiga iyo Midnimada Islaamka

Farxaan Yuusuf8 hours ago 0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi oo ka Qeybgalay Dhaarinta Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirrada, kuna Boorriyay Mas’uuliyad iyo Hufnaan

Farxaan Yuusuf1 day ago1 day ago 0
Verified by MonsterInsights