Ismaaciil Cumar Geelle oo mar 6-aad hoggaanka Jabuuti dib ugu soo laabtay

Ismaaciil Cumar Geelle oo mar 6-aad hoggaanka Jabuuti dib ugu soo laabtay

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha dalka Jabuuti, kadib markii doorashada madaxtinimada ee dalkaasi ay shalay Jimcihii ka dhacday, taasi oo uu ku helay 97.8% codadkii la dhiibtay sida lagu shaaciyay natiijooyinka rasmiga ah.

 

Geelle ayaa hoggaanka Jabuuti qabanaya Markii lixaad, isagoo ka adkaaday musharraxa kaliya ee la tartamayay, Maxamed Faarax Samatar, kaasoo helay 2.2% codadka.

 

 

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa talada dalka hayay tan iyo sanadkii 1999, markaas oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Xasan Guuleed Abtidoon. Tan iyo waqtigaas, wuxuu si joogto ah ugu guuleysanayay doorashooyinka, iyadoo doorashadii 2021 uu ku helay in ka badan 97% codadka, xilli ay mucaaradku intooda badan qaadaceen.

 

Doorashadan ugu dambeysay ayaa timid kadib wax ka beddel dastuur oo la sameeyay dabayaaqadii sanadkii hore, kaas oo meesha ka saaray xadka da’da musharraxiinta, taasoo u ogolaatay Geelle inuu mar kale tartamo inkastoo uu hore u sheegay inuu xilka ka degayo.

 

Intii doorashadu socotay, qaar ka mid ah goobaha codbixinta ayaa saacad dheeraad ah furnaa sababo la xiriira dib u dhac ku yimid furitaankooda, balse dad badan horey ayay u ogaayeen cidda guuleysan doonta.

 

Dalka Jabuuti ayaa wajahaya caqabado ay ka mid yihiin shaqo la’aan baahsan oo gaaraysa ku dhowaad 70% dhalinyarada, iyo deyn badan oo dalka lagu leeyahay, mana muuqato horumar la taaban karo uu u horseeday dalkaasi.

 

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda inay cabburiso mucaaradka.

 

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

 

Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

 

Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights