Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayso Lubnaan, iyadoo dishay sideed kale oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, ka dib markii ay ku dishay sarkaalkii ugu sarreeyay ee dhanka warbaahinta ee Xisbullah, Mohammad Afif, weerar cirka ah oo ka dhacay bartamaha Beirut.
Ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay Gaza “aagga nabdoon” oo ay ku dileen afar qof oo ay ku jiraan labo caruur ah, iyadoo Pope Francis uu ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo eedeymaha xasuuqa.
Laba qof, oo lagu dilay duqaymaha Israel, ayaa laga helay koonfurta Qaza
Wariyaha Aljazeera ee Marinka Gaza ayaa ku soo waramaya in Meydadkaasi laga soo saaray agagaarka Iskuulka Al-Firdaws ee deegaanka Al-Mawaasi.
Horaan, waxaan u soo sheegnay dilka afar qof, oo sidoo kale lagu dilay al-Mawasi, oo u dhow Khan Younis, markii ciidamada Israel ay garaaceen teendho ay ka buuxaan dad barakacayaal ah.
Ergeyga Mareykanka Hochstein wuxuu joogi doonaa Beirut Talaadada: Ilaha Lubnaan
Ergeyga Maraykanka Amos Hochstein ayaa Talaadada u safri doona caasimadda Lubnaan ee Beirut si uu wadahadalo xabbad-joojin ah uga dhexmaro Xisbullah iyo Israa’iil, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay ilo siyaasadeed oo Lubnaani ah.
Warbaahinta Labnaan ee Codka Lubnaan ayaa sidoo kale tabisay booqashada, iyadoo soo xiganeysa Xildhibaan Kasem Hashem oo ka tirsan Baarlamaanka Lubnaan.
Mareykanka ayaa u gudbiyay hindise cusub oo xabbad joojin ah gobolka Lubnaan isagoo rajaynaya in uu joojiyo dagaalka in ka badan hal sano. Hezbollah ayaa jawaabteeda xalay u gudbisay wakiilkeeda wada xaajoodka, afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri.