Israa’iil ayaa duqaymo cirka ah ku qaadday xarumaha tamarta Yemen, xarun shidaal, dekedda

0
3

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerareen “bartilmaameedyo militari” oo ay leeyihiin dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen ka dib markii ay qabteen gantaal ay kooxdu u soo ridday Israa’iil.

 

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay duqaymo ka fuliyeen goobo ay leeyihiin ciidamada Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan dekedaha iyo kaabayaasha tamarta ee caasimadda Yemen ee Sanca.

 

Xuutiyiinta ayaa weeraro ka dhan ah maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ka bilaabay xeebaha dalka Yemen

 

Xuutiyiintu waxay sheegteen weerar ay ku qaadeen bartamaha Israa’iil si ay uga jawaabaan ‘xasuuqii’ Gaza

 

Xuutiyiinta oo dagaal kula jira maraakiibta badda ee Maraykanka ee gacanka Cadmeed

 

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay weerar gantaallo ah ku qaadeen Israa’iil

 

TV-ga Al-Masirah ee xulafada la ah Xuuthiyiinta ayaa sheegay in “weeraro gardarro ah” oo xiriir ah ay ka billaabeen Sanca iyo magaalada dekedda leh ee Xudeydah subaxnimadii Khamiista.

 

Weerarada “waxaa lala beegsaday labo xarun koronto oo dhexe” oo ku taal Sanca, halka Xudeydah “cadowgu ay qaadeen afar weerar oo gardarro ah oo lagu beegsaday dekedda… iyo labo weerar oo lala beegsaday” xarun shidaal, Al-Masirah ayaa werisay.

 

Wakaaladda wararka ee Yemen ee SABA ayaa sidoo kale sheegtay in afar weerar lagu beegsaday Xudeydah, iyadoo labo weerar lagu beegsaday xarunta saliidda ee Ras Ciisa, halkaas oo lagu dilay laguna dhaawacay qaar ka mid ah shaqaalaheeda.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here